|

Mareykanka oo ku goodiyay in uu jarayo gacan qabadka dhaqaale ee uu siiyo Soomaaliya

Washington Nov 15, 2014(SDN/QJ)-Dawlada Mareykanka ayaa ku hanjabtay in ay jari donto inta badan gacan qabadka ay siiso dawlada Soomaaliya sababo la xiriira isqabqabsadka madaxda sare ee dawlada.

EARGEYGA Mareykanka ee Soomaaliya James P. McAnuty ayaa dhawaan ku hanjabay jarida mucaawinooyinka hadaan madaxweynaha iyo raiisul wasaaruhu wadashaqeyntii soo celin.

Sidaa waxa jariirada AP u sheegay masuul ka tirsan dawlada Soomaaliya oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Sidoo kale masuul ka mida shaqaalaha QM ayaa isna w=sheegay in beesha Caalamku khaati ka taagan tahay masuul xumaida madaxda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa qaadacay ka qeybgalka shir Soomaaliya lagu gacan qaban lahaa oo lahu waday in Denmark ay martigeliso.

Dawlada Mareykanka ayaa sanadkan siisay dawlada Soomaaliya $58 million sanadkan, halka ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ugu deeqday $271 million oo dollar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa khilaafkoodu shaac baxay ka dib kolkii isku shaandheyn uu raiisul wasaaruhu sameyay uu qaadacay madaxweynuhu.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

Comments are closed