Mareykanka oo Isu Diyaariyay Weerar uu ku Qaado Syria iyo Xukuumada Asaad oo isdifaacid ku goodiday
Washington Aug 28,2013(SDN)-Talaabo ciidan oo Mareykanku ka qaado dawlada Syria ayaa haatan u muuqata mid suurto gal ah ka dib klkii Xoghayaha Arrimaha Difaaca dalkaasi uu shaaciyay in ciidamadoodu haatan ay ku sugan yihiin goobo au ka dagaal geli karaan.
Isbdelkan ayaa imanaya xili aaney cadeyn cida ka danbeysa isticmaalka hubka chemical ka ee dhawaan lagu weeraray duleedka caasimada Syria.
Mareykanka ayaan ku keli aheyn tilaabo ciidan oo laga qaado ukuumada Syria,dawladaha Jarmalka iyo Faransiiska ayaa qudhooda codadkooda ku biiriyay in tilaabo ciidan laga qaado kuwii ka danbeeyay weerarkii chemical-ka ahaa ee ka dhacay duleedka Dimishiq.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Syria ayaa shaaca ka qaaday hadii dalkaasi la weeraro ay isku difaaci doonaan wax walba.
Ma cada halka xaal sal dhigan doono saacadaha soo socda,iyada oo ay suurto gal tahay in maraakiibta dagaal ee Mareykanku duqeeyaan Syria.
SDN-Wahington
contact@somalidiasporanews.com