Mareykanka oo Iran kala hadlaya nabadeynta dalka Ciraaq
Washington June 17,2014(SDN/QJ)Dawlada Mareykanka ayaa ka dib kolkii kooxda Islaamiyiinta Shaam ay qabsadeen degaano badan oo ka mid ah dalka Ciraaq dalka Iran kala hadlaya nabadeynta Ciraaq.
Ciidamada Ciraaq ayaa waxba kama soo qaad ka dhigay dedaaladii huwanta Mareykanka ka dib kolkii ay ka yaaceen dhulkii gacanta loo geliyay dagaal dheer dabadii.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry ayaa saxaafada u sheegay in uu dalka Iran kala hadlayo sidii loo nabadeyn lahaa Ciraaq.
Mareykanka ayaa hore si isdaba jog ah ugu eedeyn kiray dalka Iran in ay ka danbeeyaan qalaasaha ka socda Ciraaq intii ka danbeysay kolkii Mareykanku Ciraaq weeraray tobaneeyo sano ka hor.
Iran ayaa taageero indho la’aan ah u jeedisa Shiicada dalka Ciraaq ee Mareykanku talada dalkaasi gacanta u geliyay markii u horeysay taariikhda casriga ah.
Xogahayaha Arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegay in uu dalkiisu xitaa diyaar u yahay in uu hawlgalo ciidan wadajir ula qaadan kuwa Iran.
Kooxaha Islaamiyiinta Suniga ee Ciraaq ayaa todobaadkii ina dhaafay qabsaday degaano faro badan iminkana kaabiga ku haya caasimada Ciraaq.
SDN/QJ-Washington