|

Mareykanka oo digniin balaaran u jeediyay muwaadiniintooda Caalamka ku kala baahsan

Washington Sept 26,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa digniin aan nooceeda hore loo arag u jeedisay muwaadiniintooda caalamaka ku kala sugan.

Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa qoaal ay shaacisay ugu sheegtay shicibka dalkeeda ee caalamka ku kala sugan in ay taxadar dheeri ah yeeshaan.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in kooxda Al Qaacida iyo kuwa xiriirka la lihi ay haatan wadaan qorsheyaal ay ku bartilmaansanayaan muwaadiniinta Mareykanka.

Dadkan Socdaalka ku maraya dunida ama hawlaha ganacsi iyo siyaasadeed wada ayaa la faray in ay feejignaan dheeri ah yeeshaan.

Waxaana loogu baaqay in ay la socdaan hareerahooda socdaalada aan muhiimka aheyna ay ka waantoobaan.

Dawlada Mareykanka ayaan sheegin khataro toos ah oo jira balse fariintan aan caadiga aheyn ee digniinta ah soo saartay.

Waana suurto gal in fariintani ay xiriir la leedahay weerarkii dhawaanta lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Wesgate Mall.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed