|

Mareykanka oo Dawlada Soomaaliya Aqoonsaya Berito

Washington Jan 16,2012(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa shaacisay in ay maalinta berito ah ku dhawaaqeyso in dawlada Soomaaliya ee cusub aqoonsan tahay.

Sidaa waxa saxaafada maanta u sheegay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibeda ee Mareykanka u qaabilsan Africa Johney Carson.

“Xoghayaha arinaha dibeda ee Mareykanka waxa ay berito la kulmeysaa madaxweynaha Soomaaliya oo Washington booqanaya berito,labada dhana waxa ay is weydaarsan doonaan documentiyo diplomasiyadeed”ayuu yiri Carson.

Caarson waxa uu saxaafada u sheegay in mudo dheer haatan laga joogo 3dii October oo aheyd markii dagaal Muqdisho ku dhex maray ciidamo uu hogaaminayay Gen Ceydiid iyo Marines Mareykan ah oo gacan siinayay mashruuc quudin ahaa oo QM halkaa ka waday.

Mareykanku marnaba si toosa cilaaqaadka ugu ma jarin Soomaaliya mudadaa labaatanka sanadooda.

Isbedelkan siyaasadeed ayaa horseedi doona taakuleyn dhaqaale oo dawlada Somaaliya ay ka hesho Mareykanka iyo caalamkaba.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed