Mareykanka oo Boko Xaraam ku biirinaya diwaanka Argagixida
Washington Nov 13,2013(SDN)-Sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sheegay in dawlada Mareykanku ay qorsheyneyso in ay diiwaanka argegixisada ku biiriso kooxda xagjirka ah ee Nigeria ee Boko Xaram.
Boko Xaraam ayaa kolka lagu biiriyo diwaanka argegixisada ayaa waxa ay ka dhigan tahay in hayàdaha dawliga ah iyo kuwa gaarka ahiba aaney wax macaamiil ah kooxdaasi la sameyn kareyn.
Boko Xaraam ayaa dooneysa in ay shareecada Islaamka ku soo rogto woqooyiga dalka Nigeria.
Boko Xaaraam ayaa mudadii ay jirtay waxa ay ku lug laheyd dilka kumaan ruux oo dalkaasi ku dhintay.
Kooxdan ayaa ah halista amaan ee ugu weyn ee Nigeria haatan wejeheysa iyada oo dalkaasi yahay ka ugu dadka badan Africa isla markaana ah ka ugu soo shidaal saarida badan.
Sarkaalka arinkan soo bandhigay ee u sheqeeya wasaarada arrimaha dibedda Mareykanka ayaa ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com