|

Mareykanka oo Berbera ka digo rogtay iyo HEEGO oo xeerka difaaca ka been sheegtay

Washington December 16, 2023 (QJ) – Aqalka Congress-ka ayaa gebiahaanba xeerka difaacadalkaas ee 2024ka ka saaray in ciidamada Mareykanku wax xiriir ah la sameystaan xukuumada muda dhaafka talada dalka ku heysata.

Aqalka Congresska ayaa sanadkii hore isla xeerkan ku daray in wasaarada gaashaandhigu ay sahamiso fursado iyo xiriir ciidan oo lala sameeyo Somaliland.

Danaha Marykanka ee Berbera ayaa meesha ka baxay ka dib kolkii ay meesha ka bexeen kalsoonidii iyo nidaamkii Somaliland ka jiray ee dunida soo jiitay, kaasoo salka ku hayay Amni sugan, nidaam doorasho oo hufan, nabad iyo cadaalad aan inta badan ka jirin Geeska Africa.

Waxyaabahaa oo idil oo ay meesha ka saareen kooxda HEEGO ee xukuumada Muuse Biixi ku adeegata.

Xeerka Ogolaashaha Difaaca iyo Miisaniya 2024ka ayaa soo afjartay rejo laga qabay in Mareykanku soo cago dhigo dekedda Berbera iyo faankii kooxda HEEGO.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO XEERKA OGOLAASHAHADIFAACA 2024

NATIONAL DEFENSE AUTHORIZATION ACT FOR FISCAL YEAR 2024

Comments are closed