|

Mareykanka oo baadigoobaya Macalin Ayman

Nairobi January 06, 2023 (QJ) – Dawlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay 10 million oo dollar ku bixineyso qabashada mid ka mida hogaamiyaasha kooxda Al Shabaab.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in Macalin Ayman oo Kiinya u dhashay uu yahay madaxa kooxda Jeysh Aymen oo ka danbeeyay weerar ay Al Shabaab ku qaaday Garoonka Manda Bay oo ku yaal Kiinya.

weerarkaa ayaa lagu dilay laba duuliye iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka 2020kii. Mareykanka ayaa aaminsan in Ayman oo haatan ku dhuumaaleysanaya dhulka Keynta ah ee Boni in uu qorsheeyay weerarka.

Comments are closed