Mareykanka oo baadigoobaya Abuukar Cali Aadan
Washington October 19, 2023 (QJ) -Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo dadaal ugu jirta la dagaallanka argagixisada, ayaa ku dhawaaqday inay abaalmarin dhan 5 milyan oo dollar siin doonto ciddii keenta xog horseedda soo qabashada mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee kooxada Al Shabaab. Abuukar Cali Aadan.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Abuukar Cali Aadan u aqoonsatay ku xigeenka hogaamiyaha Al-Shabaab, waxaana sanadihii lasoo dhaafay uu soo qabtay xilal kala duwan oo caan ka ah ururka, oo ay ku jiraan door hogaamineed. Bishii Janaayo 2018, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Abuukar Cali Aadan ku dartay liiska dadka la raadinayo.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa sidoo kale kordhiyay abaal-marinnada la siinayo ciddii keenta xog horseedi karta aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin labada hoggaamiye ee ugu sarreeya Al-shabaab, Axmed Diiriye iyo Mahad Karate. Dowladda Mareykanka ayaa qof kasta oo ka mid ah shaqsiyaadkaas ku yabooheysa abaalmarin dhan 10 milyan oo dollar.
Sannadkii 2008dii, Maraykanku wuxuu si rasmi ah ugu aqoonsaday al-Shabaab urur argagixiso shisheeye.