|

Mareykanka oo agab ciidan ugu deeqay Soomaaliya

Muqdisho January 08, 2023 (QJ) – Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Larry Andre ayaa dawlada Soomaaliya ku wareejiyay deeq isugu jirta hub, gaadiid, agab caafimaad oo lagu qiyaasay 9 milyan oo dollar.

Deeqadan ciidan ayaa lagu wadaa in ay gaarsiiyo maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ee haatan dagaalo kula jira kooxda Al Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha ciidamada Odowaa Yusuf Raage ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka deeqdan military.

Hubkan ayaa lagu taageeri doonaa guutooyinka ciidamada Mareykanku taageero ee Danab oo hadda ka qeyb qaadanaya howlgallada ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug.

Comments are closed