|

Mareykanka oo Adeegyada Dawladeed ay maanta Dhici kareyso in ilbaabada loo laabo,maxey tahay sababtu?

Washington Sept 30,2013(SDN)-Dawlada dalka Marekanka golleyaasha kala duwan ayaa todobaadyadii u danbeysay ka doodayay miisaaniyada dalkaasi oo ay hareeyeen suaalo is dul saaran oo qaarkood yihiin kuwo siyaasadeysan.

Odoroska miisaaniyada ayaa intiisa badan khuseeya laba qodob oo labada xisbul xaakim ee dalkaasi aad ugu kal fog yihiin.

Qodobka hore waa kor u qaadka saqafka ama kordhinta xadka kharashaadka dawladeed,halka qodobka kalena uu yahay hirgelinta mashuuraca caafimaad ee dawlada Barack Obama.

Kordhinta kharashaadka dawladeed ayaa intiisa badan aanay doodi ka taagneyn oo waxa la isla qaatay in si dawladu hawleheeda maamul u gudato loo baahan yahay in la kordhiyo amaaha ay qaadato.

Halka Mashruuca Obamacare oo ah qorshe muwaadiniinta dalkaasi u saamaxaya in gidigood ay helaan adeeg caafimaad oo dawladu dusha kala socoto.

Mareykanka ayaan ebid laga hirgelin mashruuc noocan oo kale ah oo u saamaxaya muwaadiniinta dalka dunida ugu qanisani ay heleen adeeg Caafimaad oo dawladoodu kafaalo qaado.

Xisbiga mucaaridka ah ee dalka Mareykanka ee Republican ayaa diidmo kala hortagay mashruucan Obaamacare.

Waxa ayna ku andacoonayaan in ay dhaqaale bur bur ku keeneyso ganacsiga dalkaasi oo sharcigu ku khasbi doono in ay shaqaalahooda ka bixiyaan kharashaadka caafimaad.

Waxaaney soo jeediyeen in laba loo kala qaado doodaha hareeyay miisaaniyada dalkaasi.

In la ansixiyo qeybta kororka kharaashaadka dawladeed iyada oo mashruuca Obaamacare maalgelintiisa la hakinayo mudo ku siman sanad.

Labada Xisbi qaran ee mareykanka ayaa kala heysta aqalebiyadaha aqalada Wakiilada iyo Senetka ee dalkaasi taas oo sababeysa ismariwaaga haatan taagan.

Xisbul xaakimka iyo madaxweyne Barack Obama ayaa ay ka goan tahay in aaney ogolaan doonin miisaaniyad qabyo ah oo la siyaasadeeyay.

Waxaaney ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii ay mucaaridku ka dhabeeyaan in aaney u codeyn soo jeedimaha dawladeed ee Miisaaniyada ku xusan.

Hakadka adeegyadan ayaa hir geleya caawa saqda dhexe,waxaana gebi ahaanba joogsan doona adeegyada dawladeed ee aan aheyn daruuriga.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed