Mareykanka oo 5 million duldhigay hogaamiyaha 2aad ee Al Shabaab
Washington December 18, 2023 (QJ) -Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in abaalmarin lacageed oo dhan shan milyan oo dollar ay siin doonto ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga iyo halka uu joogo sarkaalka labaad ee ugu sarreeya kooxda Al-Shabaab. Shaqsiga la hadal hayo, oo ah hogaamiye muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaa lagu magacaabaa Abuukar Cali Aadan.
Abuukar ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay ururka Al-Shabaab sida taliyaha ciidamada. Waxaa hadda loo aqoonsaday inuu yahay ku xigeenka Amiirka (hoggaanka) Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda. Mareykanka ayaa horay abaal-marin lacageed oo tan la mid ah ugu yaboohay ciddii keenta xog horseedda soo qabashada xubnaha kale ee sarsare ee Al-Shabaab.
Waxaa xusid mudan in abaal-marinaha noocan oo kale ah ay qayb ka yihiin dadaallada ay dawladda Maraykanku ku doonayso inay kaga hortagto argagixisada iyo burburinta ururada xagjirka ah ee ka hawlgala caalamka.