Mareykanka. Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya oo hanbalyeeyay Madaxweynaha La doortay ee Somaliland
Hargeysa November 19, 2024(QJ) -Dawladda Maraykanka ayaa Hambalyo usoo dirtay Madaxweynaha la doortay ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Shacabka Somaliland.
Maraykanku wuxuu tilmaamay in Doorashada Somaliland ay tusaale u tahay Gobolka Geeska Afrika.
Dawladda Itoobiya ay hambalyeysay madaxweynaha la doortay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Madaxweyne Muuse Biixi dimuqraadiyadda tusaalaha mudan iyo rag qarameednimada ay soo bandhigeen.
Siday faafisay wakaaladda wararka ee SOLNA, Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxa ay u rajaynayso maamulka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland uu ku guulaysto muddo xileedkiisa.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo Shacabka Somaliland.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka cusub ee maamulka Soomaaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Mudane Maxamed Aw-cali Cabdi oo ku guuleystay doorashadii dadwaynaha ee ka qabsoontay Soomaaliland.