|

Mareykanka iyo Soomaaliya oo dhoolatus ka sameynaya Berbera

Berbera January 14, 2022 (QJ) – – Dawlada Maraykanka ayaa baahisay in qorsheyneyso dhoolatus ciidan oo bisha soo socota ee February lagu qaban doono magaalada Berbera.

Warkan ayaa sidoo kale oranaya in dhoolatuska looga gol leeyahay in kor loogu qaado iskaaashiga caalamiga ah ee ku aadan ka jawaabida dhibaatooyinka iyo la dagaalanka argagixisada, iyo in la diyaar gareeyo howlaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee gobolka.

Sidookale, dhoolatusyo oo kale kuwan oo kale ahina waxa ay ka dhici doonaan waddamada Botswana, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Rwanda, waxaana ka qayb gali doona ilaa 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto.

Warkan ayaa u muuqda mid daba socda xeer dhawaan uu meelmariyay madaxweyne Joe Biden oo fasaxayay xiriira ciidan oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland oo qeybka ah Soomaaliya.

Comments are closed