Mareykanka iyo Qaramada Midoobey oo Masar uga digay xariga madaxda Ikhwaanka
Washington July 12,2013(SDN)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa uga digtay Ciidamada dalka Masar in ay bartilmaansadaan oo xabsiga u taxaabaan madaxda sare ee xisbiga talada laga tuuray ee Ikhwaanka.
Qaramada Midoobey xoghayaheeda Guud Ban Ki Moon ayaa dhankiisa uga digay xukuumada iyo ciidanka Masar in ay cid gaara bartilmaansadaan.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili ciidamada dalka Masar ay amar qabasho ah dul dhigeen sagaal ka mida madaxda ugu sareysa Ikhwaanka oo uu ugu horeeyo hogaamiyaha xisbigaasi.
“Sida Qura ee wax ku shaqeynayaan waa iyada oo dhinacyada oo idil lagu dhiiri geliyo oo loo ogolaado in ay qeyb ka noqdaan siyaasada,waana sababta aanu u cadeynay in la iska xiro dadka in aaney aheyn wax aynu taageeri karo”sidaa waxa yiri afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Jim Carney.
Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki Moon ayaa isna dhankiisa u cadeeyay wasiirka arrimaha Dibedda ee Masar u cadeeyay in aaney dhici karin in xisbi ama Bulsho midna la faquuqi karin.
Taageereyaasha Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Masar ayaa weli wada isu soo baxyo ay ku dalbanayaan in xilka dib loogu celiyo Maxamed Morsi.
Sidoo kale mucaaridka ayaa dhankooda weli taageeraya goaankii ciidamadu xilka uga tuureen madaxweyne Morsi.
Waxaana maanta oo ah Jimcihii u horeeyay ee Ramadaan labada dhanba bilaabeen isu soo baxyo u muuqda qaar khalkhal ka dhalan karo.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com