Mareykanka iyo dawlada Syria oo ku heshiiyay in ay wadajir ula dagaalamaan ISIS
Washington Aug 26,2014(SDN/QJ)-Dawlada Mareykanka ayaa shaacisay in ay qorsheyneyso in ay duqeymada ay kula dagaalameyso ISIS ku fidineyso dalka Syiria.
Goaankan ayaa la shaaciyay ka dib kolkii dawlada dalka Syria ee Bashar Al Asad ay aqbashay in beesha Caalamku gacan ka siiso la dagaalankana kooxda Islamiyiinta ah ee ISIS.
Dawlada Mareykanka ayaa dhawrkii sano ee u danbeeyay ku hadaaqeysay in uu xukunka ka dego madaxweynaha dalka Syria.
Iminkana si ay ula dagaalamaan kooxda ISIS waxa ay is kaashanayaan xukuumada Bashaar Al Asad.
Dagaalada sokeeye ee boqolaalka kun ku dhinteen ee dalka Syria ayaa waxa dabada ka riixayay dawlada Mareykanka ee haatan kaashaneysa.
Talaabadan Mareykanku qaadayo ayaa muujineysa guracnaanta siyaasada arrimaha dibedda ee Mareykanka.
SDN/QJ-Washington