|

Mareykanka iyo burburka dhaqaale ee maalin walba oo dawladu xiran tahay

Washington Oct 03,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa maalintii sadexaad aa n shicibkeeda u soo bandhigin adeegyadii dawladeed ee loo doortay.

Arintan oo dhacday kolkii axsaabta dalkaasi isku afgaran waayeen odoroska miisaaniyada sanadka.

Aqalka Wakiilada ayaa hakiyay dekhliga barnamijka caafimaad ee Obama care oo ah qorshe kolkii u horeeysay shacabka Mareykanka u saamexaya in ay helaan caafimaad ay awoodaan.

Dib u dhacan ayaa sidoo kale waxa uu saameyn weyn ku yeelanayaa dhaqaalaha ciirciiraya ee Mareykanka.

Waxa lagu qiyaasay in maalin walba oo dawlada Mareykanku xirnaato in dhaqaalaha dalkaasi ay ka lumeyso ilaa 300 million oo dollar maalin walba.

Waxa bilaa camala maalintii sedexaad in ka badan 800 00 kun oo ruux oo hay’ado kala duwan u shaqeynayay.

Mana muuqato ilaa iyo haatan in dhinacyada siyaasada dalkaasi ay u muuqdaan qaar isku raaci karaya in ay heshiis ka gaaraan qodobada ay ku kala fog yihiin.

 

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed