|

“Dadkayagu waxa uu Aaminsan yahay in la gaadhay xiligii la aqoonsan lahaa Somaliland”. Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo Atlantic Council (USA) {DHAGAYSO}

Washington 23.April (SDN)  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Socdaal ku Jooga Wadanka Maraykanka ayaa Khudbad Taariikhi ah ka Jeediyay Golaha Gorfaynta Siyaasada Adduunka iyo Xidhiidhada Caalamiga ah ee lagu magacaabo  Atlantic Council (USA) Gaar ahaan Qaybta Africa ee la Yidhaa Micheal S.Ansari Africa Center.

Agaasimaha Xarunta Africa ee Golahaas J.Peter Pham ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Masraxa Khudbada isagoo Markii danbena daadihiyay Su’aalo Madaxweynaha iyo Weftigiisa laga Weydiiyay Xaalada Guud Somaliland iyo Wada hadaladii ay la Gashay Somalia .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Waxa uu Khudbadiisa oo u dhacaysay Garnaqsi iyo Guubaabo uu adduunka ugu baaqayay inay Gacan Siiyaan Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu si Gaar ah dawlada Maraykanka ugu Yidhi ” Maraykanku Waxa uu Beesha Caalamka ku Horkacay inay Taageeraan Madax banaanida dadyow badan Wakhtiyadan danbe,Sida Shacabka Konfurta Sudan,Bariga Timor “East Timor”,Kosovo, iyo Kuwo kale oo badan Kuwaas oo Maraykanka Xaqooda Cod dheer ugu doontay ,Shacabka Somalilandna Waa taas ta ay idin Weydiisanayaan” Isagoo intaas raaciyay  oo Yidhi “Dadkayagu waxa uu Aaminsan yahay in la gaadhay xiligii la aqoonsan lahaa Somaliland”.

Madaxweyne Siilaanyo Waxaa kale oo Khudbadiisa Mar kale hadana ku Yidhi “Maraykanku Waxa uu Garawsaday Awooda Shacabkiisa, Somaliland ahaana Waxaan Rumaysanahay Inaanu ku sii Jiri karno Isku Filaanshana Hanan karno,Waxaan Rajaynayaa inaanu difaacano Xoriyadayada Qiime kasta oo ay noogu Kacdo,Maxaa Yeelay Waxaanu Yaqiinsanahay inay tahay Hantida runta ah”.

Madaxweynuhu Wuxuu Dib u holaday Markaas kadib Taariikh dheer Gaar ahaan Markii ay Somaliland Xoriyadeeda ka hanatay Boqortooyada Ingiriiska iyo Midnimadii ay la Gashay Somalia, Nooca Filashada Midnimadaas  “Somaliland waxay xornimadeedii ka qaadatay Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-kii, waxaanay shan maalmood ka dib la midowday Soomaaliya, iyadoo xiligaasi raadinaysay shantii Soomaaliyeed. Dawladii cusbayd ee Soomaaliya waxay bilowday in mansabadii sar-sare ee jaan-goynta hogaaminta ka maanacday dadkii reer Somaliland, waxaanay taasi horseeday in shacbiga Somaliland ay candhuuftooda markiiba dib uga liqaan midowgii ay la galeen Soomaaliya,”.

Mudane Siilaanyo Waxa uu Hadana Milicsaday Go’aanka Dib ula soo Noqoshada Madax banaanida Somaliland iyo Hanaanka Geedi Socodka Dimuquraadiyada ee dalka ka Hirgalay ““Markii ay burburtay dawladii Soomaaliya 1991-kii waxay shacbiga Somaliland go’aansadeen inay xoriyadooda kala soo noqdaan Soomaaliya,Somaliland waxay abuurtay xasilooni, dawlad shaqaynaysa iyo qaran dimuqraadi ah. Waxaanu qabsanay afar doorasho oo madax-banaan. Bilo ka hor waxa aanu qabanay doorashadii Goleyaasha deegaanka oo muddo toban sanadood ah muddo dhaafay. Illaa 400 oo murashax ayaa u tartamay Boqol iyo dheeraad kursi oo goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka dalka,”.

Madaxweynaha Somaliland isagoo Dareensan Faa’iidada Somaliland ugu Jirta Wada hadaladii ay La Galeen Somalia Waxa uu Sheegay inay ahaayeen Kuwo diirada lagu saarayay in la sii wado tubta wada hadalka labada dawladood iyo in la abuuro inay arrimo badan iska kaashadaan labada dal,hasa Yeeshee Waxa uu Hoosta ka Xariiqay inaan taas badalkeedu ahayn inay Gorgortan Geliyaan Masiirka iyo Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ATLANTIC.mp3”]
Washington SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed