Maraykanka Oo Xukuumadda Sudan Ku Eedeeyay Inay Gabood Falo Ka Dhan Ah Xuquuqda Aadanaha Ay Ka Geystay Gobolada Kordun Iyo Blue Nile
Newyork: 13,June,2014(SDN/J)-Dawladda maraykanka ayaa ku eedeyasay Dawladda Sudan inay kula kacday Gabood falo ka dhan ah Aadanaha dadka Shacabka eek u Nool Goboladda Kordufan iyo Blue Nile ee Dalakaasi.
Danjiraha Qaramadda Midoobay u Fadhiya Maraykan Haweenayada Magaceeda la yidhaahdo Samata Bower,ayaa sheektay Xoogaga Ciidamadda Dawladda Sudan inay si aan Kala soo lahayn Diyaarado uga Duqeeyeen Goobo dad rayid ahi Deganaayeen.
Waxaana intaas ay raacisay Haweenaydan Markaykanka u hadashay in toos ah loo bar-tilmaameed sanyay Goobaha Iskuulada iyo Xarumaha Cafimaad ee Goboladaasi.
Wararka laga helayo Goboladaasi ay sheegaya in Dagaaladda Ciidamadda Sudan iyo kuwa Falaaga u dhaxeeya ay ku barakaceen in ka badan Hal Milyan oo Ruux.
Dhinaca kalena,waxaan ilaa hadda aan ka hadal Eedaynta Dawladda Maraykanka,Madaxda iyo Diblumaasiyiinta Sudan u fadhiya Qaramada Midoobay.
SDN/JQ-Newyork
contact@somalidiasporanews.com