Maraykanka Oo Wali Sii Hadal Haya Kooxdii Gawracday Wariyahoodii James Foley, Kuna Tilmaamay Khatar Xoog Badan
Washington:Aug,22,2014(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Maraykan ayaa si weyn u hadal Haysa Kooxda Dhawaan Sida argagaxa leh u gawracday Wariye James Foley, waxana ay ku sifeeyeen Khatar weyn oo ammaanka Dunida ka dhan ah.
Xoghayaha difaaca ee Mareykanka oo wariyeyaasha kula hadlayay shalay oo khamiis aheyd magaalada Washington ayaa ku tilmaamay kooxda daacish inay tahay koox aad uga duwan kooxihii argagixisada ee hore loo yiqiin.
Waxaa uu sheegay in khatarta ugu weyn ee IS ay tahay Mareykanka, isagoo xusay in kaliya aanay aheyn in lagula dagaalamo waqooyiga Ciraaq oo kaliya, balse ay muhiim tahay in labada dal lagula dagaalamo.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Chuck Hagel ayaa sheegay in koxoda Daacish ay si weyn u hubeysan yihiin, tababarkeeduna sareeyo, isla markaana ay heystaan hanti fara badan sida uu yiri.
Salaadadii ayay aheyd markii kooxda IS ay soo bandhigtay muuqaal video ah Wariye Mareykan oo ay gowracayaan, kaasoo laba sano ka hor laga afduubtay dalka Suuriya, waxaana muuqaalkaas uu Khalhal geliyay Mareykanka iyo dalal badan oo aduunka ka mid ah.
IS ayaa uga digtay Mareykanka inuu sii wado weerarka waqooyiga Ciraaq, iyagoo ku hanjabay inay dilayaan wariye kale oo ay gacanta ku hayaan, iyadoo dilka Wariye James Foley ku tilmaamay mid aar-gudasho ah.
Diyaaradaha dagaalka mareykanka ayaa duqeymo ka wada waqooyiga Ciraaq, kaasoo keenay in xawaarihii kooxdan ku dooneysay inay dhul hor leh ku qabsadaan uu hakad geliyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com