Maraykanka oo Turkiga uga digay dhibateynta dibad baxayasha wadankasi.
Washington June 5, 2013(SDN)-Joy Baydan madaxweyne ku xigeenka wadanka Maraykanka ayaa u shegay xukuumada Turkiga in ay ixtiraamto dibad baxayasha oo maalinti 6-aad dibad baxyoka dhigayay wadankasi Turkiga.
Baydhan waxa uu sheegay in shacabka Turkiga ay yihiin kuwo guusha ku hogaamin kara dowlada wadankaasi.
Raisal wasare ku xigenka wadankaasi Turkiga ayaa horey cudur daar uga bixiyay dadki ku waxyeelobay rabshadaha wadankasi ka soconaya.