Maraykanka Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyey Heshiiska Lagu Gaadhay Maamulada Saddexda Gobol iyo Lixda Gobol ee K/G. Somalia
Washington:June,24,2014(SDN/QJ)-Dawladda Maraykanka ayaa si Kal iyo Laab ah u soo dhaweysay Xalka laga Gaadhay Maamulluadii iska soo horjeeday ee ka jirey Deegaanada Baydhabo iyo Jubbooyinka.
Ergeyga gaarka ah dowladda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty ayaa soo dhaweeyay Saxeexa Heshiiska dhexmaray maamulada Saddexda iyo Lixda gobol ee Koonfur Galbeed, si loo meel mariyo xalka dhismaha maamlka saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka waxay ku ammaaneysaa hoggaanka labada dhinac ee shirka ka qeyb galay howshooda wax dhisaysa iyo dhabar adeyga ay muujiyeen si loo helo xeer-jajab, kadib wadahadalo dib u heshiisiineed oo todobaadyo socday.
Mareykanka waxa uu sidoo kale aqoonsaday kaalinta wax galka ah ee ay dowladda federaalka ee Soomaaliya ka cayaartay fududeynta wada hadalka dhexmaray xubnaha labada dhinac.
“Dowladda Mareykanka waxay soo dhaweyneysaa heshiiskan taariikhiga ah, waxay sii wadi doontaa dhiiri galinta iyo taageerada dhammaan qeybaha si ay uga shaqeeyaan in ay u gaadhaan isu tanaasul xal ku dhisan, oo aan horumarineyn oo keli ah ka qeyb galka dhammaan qabaa’ilada goboladaasi, balse horumarineya nabadda iyo deganaanshaha,Waxaan rajeynayaa horumar waara oo laga gaadho dhismaha maamul iyo heshiiska maamul goboleed ay ka mid yihiin dhammaan qeybaha kale duwan,” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeed uu maraykanku arrintan ka soo saaray.
Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an saaxiibtinimada kala dhaxeysa dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna sii wadi doontaa taageeridda dariiqa Soomaaliya ay ku gaadheyso nabad, daganaansho iyo mustaqbal horumar leh.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com