Maraykanka oo Sheegtay inuu ka Dambeeyey Weerarkii lagu Qaaday Magaalada Baraawe
Washington:6-Oct-2013(SDN)-Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ciidankeeda sida aadka ah u tababarin ay weerar ku qaadeen Magaalada Baraawe ee Soomaliya Aroortii hore ee Maalinimadii Sabtidii.
Weerarkaas dawladda Maraykanku wax faahfaahin ah oo intaas sii dheer kama ay bixinin, waxase sida wasaaradda Arrimaha Dibaddu hadalka u dhigtay oo uu weerarkaasi u muuqdaa mid fashilmay oo aan u dhicin sidii loogu talo galay.
Weerarkan oo si kedis ah u dhacay, islamarkaana looga jeeday in xoogagga Al shabaab lagu badhtilmaameedsado, ayaan lagu guulaysan, waxana aan suurto gelin soo Qabashada sarkaal sare oo Kooxda ka tirsan oo badhtilmaameed isagu weerarkan u ahaa sida maraykanku sheegay.
Xoogagga Al shabaab ayaa isagu sheegtay inay iska caabiyeen islamarkaana fashiliyeen isku daygaas kaga yimi dhinaca maraykanka, waxana ay sheegeen inuu halkaas kaga geeriyooday hal nin oo ay sheegeen inuu shahiiday.
Dawladda maraykakanka gaar ahaan ciidankeeda sida gaarka ah u tababaran, ayaa iyagu caanku ah inay weerarro noocan ah si kedis ah u qaadaan, waxana ay weerarkan ku sheegeen mid jawaab u ahaa weerarkii dhawaan kooxda Alshabaab ku qaadeen Suuqa Westgate ee Magaalada Nairobi.
S.DN
Contact@somalidiasporanews.com