Maraykanka oo qirtay diyaarad looga soo riday Somalia.
Washington May 29, 2013(SDN)-Masuul Maraykan ah ayaa sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo kusoo dhacday Somalia in ay aheyd mid kamid ah diyaaradaha Maraykanka ee nooca basaaska ah ee maclumaadka ka soo uruurisa degaanada lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin shaqsiyaad uu baadi goobayo Maraykanka.
Masuulkaasi oo ka tirsan wasarada gashandhiga Maraykanka ee Bantigoonka oo magacisa ka gaabsaday ayaa shegay in uu xaqiijinayo in diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ay leedahay Maraykanka ku bur burtay degaano u dhaw xeebaha Somalia e konfurta caasimada Somalia ee Muqdisho.
Masuulkasi hadalkisa waxa uu ku soo aaday waqti ay Xarakada Al-shabab ay shegatay in ay iyada soo riday diyaaradhaasi,balse waxa uu tilmaamay in ay baritaan ka fureen sababihi ka danbeyey in diyaarada ay soo dhacdo.
Masuuliyinta Maraykanka oo wax laga weydiiyay nooca diyaarada hadii ay waday hub iyo nooca shilka balse wa ay diiden in ay faahfaahiyaan.
Al-shabab bartiooda tuwiterka ayay ku shegten in ay iyaga ka danbeyen in lasoo rido diyaradahasi.