Maraykanka oo Nidaam Shuruudaysan ku Fasaxay Xawaaladaha Somalida ee uu Xayiray
Washington 01.March 2015(SDN/QJ)-Bank-giyada Maraykanka, ayaa Xawaaladaha Soomaalida u fasaxay inay lacagahooda ka tirsan karaan wixii ka dambeeya 1-da Bisha oo maalinta berry ah ku beegan.
Merchants Bank ayaa joojiyay xidhiidhkii xawaaladaha Soomaalida uu la lahaa 06-dii February, taasoo keentay inay istaagaan shaqooyinkii xawaaladaha Soomaaliya iyo lacagihii ay Soomaaliya u soo diri jireen.
Guddoomiyaha ururka ay ku bahoobeen Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka ku yaalla ee SAMSA, , C/casiis Sugulle ayaa sheegay in berri ay dib u bilaabanayan xawaaladaha, kadib markii ay dadaal dheer u galeen sidii xawaaladaha ay howlahooda dib ugu billaabi lahaayeen.
Sidoo kale, Sugulle ayaa ugu baaqay dowladda Somalia inay wax ka qabato xayiraadda xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka lagu soo rogay, ayna ku dadaasho inaysan dib u soo laaban xayiraaddan oo kale.
Xidhitaanka Xawaaladaha Soomaalida Mareykanka ayaa saameyn ku yeeshay noolasha Soomaali badan oo ku nool gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay waayeen lacagihii ay ehelkooda ka heli jireen.
Ugu dambeyn, hay’adda OXFAM ayaa dhawaan sheegtay in lacagaha laga soo diro dalka Mareykanka ay ka badan yihiin tan deeq ahaanta loo siiyo Soomaalida ku nool gudaha Somalia.
Kaliya waxa la oggol yahay lacagaha biilasha ah ee loo diraya dadka u baahan, waxana cabashada dadkani sababtay in masuliyiinta shaqadaas leh ee Maraykannka ahi ay debecsanaan muujiyaan.