|

Maraykanka Oo Maraakiibtiisa Ku Sugan Badweynta Hindiya Ugu Digay Inay U Dhawaadaan Dekedda Muqdisho Oo Ay Halis Ammaan Ku Sheegeen

Washington:12-March-2014(SDN)-Dawladda Maraykanka, Gaar ahaan Waaxdeeda  arrimaha dibbadda, Maraakiibteeda ku sugan Badweynta Hindia, waxa ay uga Digtay inay u dhawaadaan Dekedda Muqdisho.

ma5uuDigniintan ayaa lagu Sababeeyey in Helay Xog Sheegaysa in Urrurada Al-qaacida iyo Al-shabaab ay Qorshaynayaan sidii ay weerraro ugu qaadi lahaayeen Waddamo ku Yaalla Geeska Afrika iyo waliba Bariga Dhexe.

 

Waaxdu waxay sheegtay inay ku amartay ciidamadooda badda iyo maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan biyaha Soomaaliya inaysan u dhawaan dekedda Muqdisho oo ay u jirsadaan ugu yaraan 200 mile iyo wax ka badan.

 

“Halis badan ayaa ka jirta biyaha Soomaaliya ciidamadeena badda waa inaysan xeebaha u dhawaan gaar ahaan Dekeda Muqdisho waana inay ugu yaraan u dhaafin masaafo dhan 200 oo mile “ ayaa lagu yidhi warkan Maraykanka kasoo baxay.

 

Sidoo kale warkan waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ku sugan gacan biyoodka Cadan inay feejignaan muujiyaan oo ay aad ula socdaan dhaq dhaqaaqyada maraakiibta iyo doonyaha kusoo dhawaada.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed