Maraykanka oo mar kale caddeeyay mawqifkiisa madax-banaanida Somaliland
Hargeysa (QJ)- Dawladda Maraykanka ayaa mar kale caddaysay mawqifkeeda madax banaanida Somaliland oo imika doodi ay ka taagan tahay, kadib Somaliland oo codsiyo u gudbisay Washington. Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, ayaa mar kale sheegay in Mareykanku uu hal siyaasad ka haysto Soomaaliya, uuna aqoonsan yahay xuduudka la sameeyay xilligii xorriyadda.
Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis oo qeyb ka ah dabbaaldegga xuska xorriyadda Soomaaliya oo socon doona muddo toddobaad ah.
“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yidhi safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.
Danjire Andre waxa uu sheegay in aqoonsiga iyo madax banaani ay hesho Somaliland ay tahay inay si gaar ah u go’aamiyaan Soomaaliya iyo Somaliland. Wuxuu intaas ku daray in Maraykanka uu wax ka bedeli doono siyaasaddiisa Soomaaliya oo hal ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan in xaalad isbedel ah la sameeyo.
Arintan ayaa imanaysa xili Sennedka Maraykanku ay soo jeediyeen in macaamil dheeraad ah ay xukuumadda Biden la samayso Somaliland, kadib wefti Hargeysa ka socda oo gaadhay Washington dhawaan.