Maraykanka oo ku canbaareeyay Ruuska in uu hubsiiyo dowladda Syria
Washington May 18 2013 (SDN)– Dowladda Maraykanka ayaa ku dhaleeceysay Ruushka wax ay ku tilmaamtay Go’aan nasiibdaro ah oo ku aadan in hub ay siiso dowladda Syria.
Janaraal Martin Dempsey oo ah Gudoomiyaha Taliyayaasha isku tagay ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Rajiimka Assad hub Gantaallo ah la siiyo si uu siixoojiyo dagaalka uu kawo dalka Syria.
Dowladda Ruushka ayaa la rumeysan yahay in ay Galaatalaha lagu la dagaalamo Maraakiibta ay ka iibineyso dowladda Ruushka, iyadoona Saraakiil Maraykan ah ay sheegeen in hadii taasi ay dhaco ay ka hortageyso faragalin Milatari oo dibadda looga sameeyay Syria.
80-kun oo Ruux ayaa ku geeriyoodeen dagaalada iyo coladaha ka soconay dalka Syria iyadoo 1.5-milyan oo Ruux ay ka barkaceen dalkooda sida ay sheegtay UNHCR.
SDN-Washington