Maraykanka Oo Ka Walaacsan Daciifnimada Ciidamada Afrika Iyo Awoodda Al-qaacida
Washington:Aug,26,2014(SDN/QJ)-Taliska Sare ee Ciidadama maraykanka kaga sugan Dalalka Geeska Afrika ayaa walaac ka muujiyey Habacsanaan ciidamada reer afrika iyo waliba awoodda sii kordhaysaee ururka Al-qaacida.
Wayne W. Grigsby oo ka tirsan Taliska Ciiddamadda Maraykanka ee ku sugan Geeska Afrika, isla-markaana dhawaan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho ayaa bogaadiyey khibradda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
“Waxaan la safray Jeneral Muhwezi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciiddanka Uganda ee booqashadda ku tegay magaalladda Muqdisho, waxaan dareemay khibradda ciiddmadaasi ee dhinaca ammaanka, wuxuuna ugu hambalyeeyey hawsha ay ka hayaan Somalia.Sarreeye Gaas Wayne W. Grigsby waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay booqday Kulliyadda Ciiddanka ee Kimaka ee dalka Uganda, halkaasi oo uu ka jeediyey casharro la xidhiidhay Hoggaaminta iyo khibradda ciiddanimo.
Sarkaalkaasi oo ka tirsan Hawlgalka La-dagaalanka Argagixisadda ee Qaaradda Afrika ayaa kula taliyey Dowladdaha Afrikaanka inay had iyo jeer iska kaashadaan sidii ay uga hortegi lahaayeen Kooxaha Mukhaawamadda ee dagaalladda ka wada qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika.
Waxa uu carrabka ku dhuftay in dagaalladda ka socda Afrika si fudud loo soo afjari karo, haddii ay Ciiddamadda Dowladaha u midoobaan La-dagaalanka Kooxaha ku kacsan dawladaha.
Sarkaalka waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladdda Maraykanka taageero ka geysanayo Deganaanshaha dalka Afrika, si ay Muwaadiniintooda ugu naalloodaan macaanka nabadda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com