Maraykanka Oo Iran Ka Reebay Isbahaysigiisa Ka Dhanka ah Kooxda Daacish
Ankara:Sep,13,2014(SDN/QJ)-Maraykanka ayaa sheegay inaanay qorshahiisa ka dhanka ah Kooxda Daacish iyo isbahaysiga caalamiga ah ee uu Kooxdan ku weerarayo aanay qayb ka ahayn Dalka Iran.
Xaghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Karry oo booqasho ku jooga Dalalka Bariga Dhexe, ayaa sheegay inaanay jirin baahi keeni karta in iran loogu yeedho dagaalka la wado.
Iiraan ayaa dhowaan sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso dagaalka ka dhan ah kooxda Daacish, kadib markii Mareykanka sheegay inuu hogaamin doono isbaheysi dagaal la gala kooxdaas.
Mr Kerry ayaa taageero ka helay dalalka Carabta, waxaana uu si gaar ah ammaan ugu jeediyay dowladda Sacuudiga oo cadeysay inay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dagaalka lagula jiro kooxda IS.
Kerry ayaa sheegay in mareykanka uu xal u raadin doono sidii kooxdan halista ah uu uga hortagi lahaa, isla markaana loo baabi’in lahaa.
Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka John Kerry ayaa maanta booqan doona dalka Masar, halkaasuu uu kula kulmi doono Madaxda Jaamaca Carabta Nabil Al-Carabi.
Socdaalkan ayaa ah qeybtii ugu dambeysay booqashadiisa Bariga Dhexe, waxaana uu ka soo kicitimi doonaa magaalada Ankara, halkaasoo uu shalay booqday, lana kulmay Wasiirada Arrimaha Dibada Turkiga.
Labada dhinac ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi oo dhinaca sirdoonka iyo la dagaalanka Argagixisada, hase ahaatee Turkiga ayaa ka goys adeegaya isbaheysiga uu Mareykanka doonayo inuu ku hogaamiyo dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.
Jimcihii ayaa warbixin ay soo saartay CIA-da Mareykanka waxay ku sheegtay in dagaalyahanada dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ay gaadhayaan ilaa 30-kun, kuwaasoo u badan dagaalyahano ajaaniib ah oo ka kala yimid caalamka.
SDN/QJ