Maraykanka oo Hanjabaad Kulul u Jeediyay Ruushanka
25,Apr.2014(SDN/QJ)- Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa si adag u canbaareeyey faro-gelinta Ruushku ku hayo dalka Ukraine, waxaana uu ku hanjabey in Maraykanku cuno-qabatayn adag saari doono Ruunshka. Kerry ayaa ugu baaqey Ruushka in ciidamadooda xuduuda ay soo buxiyeen ay ka qaadaan, haddii kale qiime badan ay bixin doonto xukuumadda Moscow.
Kerry ayaa sheegey in aan wax shaki ah ku jirin si cadna u muuqato waxa ka socda bariga Ukraine in ay tahay dab Ruushku afuudayo. Haddii Rushku sii wado dhaqanka caynkaas ah daaqadda u furan Ruushku waxay noqon doontaa mid xidhan ayuu yidhi Kerry. Digniinta Kerry ka soo baxdey iyo hadalada adag ee uu isticmaaley ayaa u badnaa in weli dhanka dhaqaalaha ay kala dagaalamayaan Ruushka, ayna garab taagan yihin Ukraine.
SDN/QJ-Washington
contact@somalidiasporanews.com