|

Maraykanka Oo Diyaaradaha Dagaalka U Diraya Dalka Ciraaq Iyo Ujeedada Diyaaradahaasi

dagaalWashington: 28,June,2014(SDN/QJ)-  Dawladda Maraykanka,ayaa la sheegayaa inay Maanta oo Sabti ah u dirtay Raxan Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ah Dalka Ciraaq,oo uu haatan ka soconayo Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Kooxaha Islaamiyiinta ah iyo Ciidamadda Dawladda Ciraaq.

Xarunta Dhexe  ee Gaashaandhiga ee Batikon-ka,ayaa ku macnaysay Ujeedada Diyaaradahan inay qeyb ka qaadan donaan Ilaalinta Danaha Maraykanku ku leeyahay Dalka Ciraaq,waaxana meesha laga saarin Suura-galnimada Inay Duqayn u gaystaan Xarumaha Kooxa Dagaalka ka wada Dalkaasi.

Dhinaca kalena waxa wali sii soconaya Dagaalka Xoogan ee ay Kooxada ISIS ay ka wadaan Dalkaasi,waxaanay haatan gacanta ku dhigeen Xarumo Muhiim ah oo kulaalaya Magaaladda Baqdaad ee Xarunta Dalka Ciraaq,oo ah meesha ay badiba ku yaalaan Haay’adaha Dawladda,kuwa Shisheeye iyo Safaaradaha Caalamka.

SDN/QJ-Washingtong

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed