|

Maraykanka Oo Ciidamo U Diri Doona Gudaha Somalia

Muqdisho:Sep,03,2014(SDN/QJ)-Ciidamo maraykan ah ayaa lagu wadaa in dhawaan la geyn dono gudaha Somalia, sida ay sheegeen saraaakiil sare ee maraykanka u dhashay.

toeCiidankan ayaa si gaar ah loo geyn doonaa Gudaha magaalada Muqdisho, iyagoo ka qaybqaadan doona Dagaalka lagula jiro Xoogaga Al-shabaab.

Arrintan ayaa lagaga dhawaaqay kulan  magaalada Muqdisho ku dhexmaray taliyaha ciidamada millitariga Daahir Cilmi Indho-Qarshe iyo taliyaha ugu sareeya ciidamada Maraykanka ee geeska Afrika oo booqasho aan horre loo shaacin ku yimid Muqdisho.

Dowladda Maraykanka ayaa dooneysa in ay saldhigga ugu weyn ee Afrika ay ku lee dahay oo Jabuuti ku yaalla qeyb ka mid ah loo raro magaalada Muqdisho si uu u ballaadhiyo howlaha ay ka hayaan Afrika, sidaas waxaa laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashandhigga Maraykanka.

Maraykanka ayaa kordhiyay kaalmada dhinaca ciidanka ee ay siinayaan dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM kuwaasoo dagaallo ba’an kula jirra Al-Shabaab oo xidhiidh toos ah la leh Al-Qaacida.

Dowladda Maraykanka waxay horre u sheegtay in magaalada Muqdisho ay ka joogaan saraakiil khuburo ah kuwaasoo tabbabar iyo latallin siiya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Maraykanka ayaa u arka Soomaaliya in ay ka dhisan yihiin kooxo khatar ku ah danaha ay ku lee yihiin gobalka, balse lama garan karo tirada ciidankan la geyn doono Muqdisho oo la hubo inaanay Badnaan doonin.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed