|

Maraykanka oo canbaareeyay hadalkii uu jeediyay Madaxweynaha Syria Bishar Al Assad

Washington Jan 07 2012 (SDN)- XukuumaddaWashingtonayaa canbaareysay qudbadii uu jeediyay Madaxweynaha dalka Syria Bishar Al Assad taasi oo uu ku sheegay in Mucaraadkiisa ay daba dhilif u yihiin wadamada Galbeedka ee uu Maraykanku ugu horeeyo. 

Maraykanka ayaa sheegay in Mucaaradka dalkaSyriaay yihiin dad ka soo horjeeda talada Madaxweyne Assad iyo qoskiisa oo muddo dalka soo heystay waxana loogu baaqay in uu talada isaga dago. 

Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaaa sheegtay in qorshaha Nabada ee uu Mr. Assad uu shalay ku dhawaaqay loo fasiran karo mid uu ku doonayo in uu ku sii joogo talada dalkaasi. 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in inkabadan 60-kun oo ruux lagu dilay dagaalada ka soconaya dalkaasi kuwaasi oo bilawday bishii March sanadkii 2011kii. 

Qudabdii shalay Madaxweyne Assad uu ka jeediyay Taleefashinka ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu dadka reerSyriau jeediyo tan iyo bishii June ee sanadkii tagay.

SDN

Comments are closed