Maraykanka oo ay soo Gaadheen Weftigii Somaliland ee Xuska 18 May
Washington 15.May 2014 (SDN/QJ)- Weftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa gaadhay Caasimadda waddanka Maraykanka ee Washington DC.
Weftigan oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabilay) iyo Marwo Sacdiya oo ka tirsan guddida qaran ee dhismaha wadada Ceerigaabo.
Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, Guddoomiyaha Jaaliyada Washington Xaashi Ismaciil iyo dad weyne ka tirsan Jaaliyada Somaliland.
Weftiga oo garoonka lagaga soo galbiyay gawaadhida martida waxaa la dajiyay goobihii loo sii diyaariyay iyadoo marti-qaad koodana ay ka mid ahayd qado sharaf madaama ay ku beegmeen xiligii qadada taasi oo loogu sii talo galay, Safiirka Somaliland ee waddanka Maraykanka Rashiid Gaaruf oo ka hadlay socdaalka Waftiga wuxuu sheegay inay jaaliyadaha kala qayb gali doonaan xusaska munaasibada qaran ee 18 May.
Wasiirka Madaxtooyada Xirisi Cali Xaji Xasan oo isna geestiisa ka hadlay ayaa u mahad-naqay dadkii ku soo dhaweeyay Magaaladda Washington DC, isagoo ugu bushareeyay inay munaasibada qaranka la ciidi doonaan. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay waftigu ka qayb galaan munaasibado kala duwan oo kuwaas oo lagu kala qaban-doono magaaloyin kala duwan oo ku kala yaala waddamada waqooyiga Ameerika.
Washington SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com