|

Maraykanka Oo Arrimo Ammaan u Xidhay Safaaraddii Uu Ku Lahaa Dalka Djibouti Iyo Mudadda La Furi Doono

Djibouti:Mar,19,2015(SDN/QJ)-Safaaraddii Maraykanku ku lahaa Magaalada Djibouti, ayaa sababo ammaanka la xidhiidha loo xidhay, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay  isla safaaradaasi.

brgrQoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in arinta ugu weyn ee Safaarada loo xidhay ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo ammaanka xarunta Safaarada.

Shalay oo Khamiis ah ayaa la sheegay in si rasmi ah Safaarada loo xidhay, dibna loo furi doona maalinta Axadda ah ee soo socota sida qoraalka lagu sheegay.

Muwaadiniinta dalka Mareykanka u dhashay ee ku sugan dalka Jabuuti ayaa la sheegay in wixii adeeg deg deg ah ay ka heli doonaan, Qunsuliyada Magaalada Jabuuti ay ku leedahay dalka Mareykanka.

Inkastoo aan si dhab ah loo faah-faahin nooca amni ee safaarada loo xidhay, ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan inay suuragal tahay weeraro lagu qaadi rabo safaarada in laga war helay.

Dalka Mareykanka ayaa Jabuuti wuxuu ku leeyahay Saldhiga ugu weyn ee Milateri ee Geeska Afrika, waxaana halkaasi ka jooga ciidamo gaadhaya ilaa 4000 kun oo Askari.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed