Maraykanka oo Aqoonsaday dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh 19-sano kaddib
WashingtonJan 18 2013 (SDN)- Dowladdaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa waxaa u bilaawday waa cusub oo ku aadan xiriirka diplomasi ee u dhaxeeyay kaddib markiiWashingtonay Aqoonsata dowladda ka jirta wadanka 20-sano ay colaaduhu ka soo jireen ee Soomaaliya
Aqoonsiga Maraykanku uu u fidiyay dowladda Soomaaliya aya timid markii Xogahayaha dibadda dalkaasi Hillary Clinton ay la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Maanta waa maalin taariikhi ah, mahan dhamaadka safarka, laakiin waa guul weyn oo horay looqaaday oo lagu dhameeyay wax horay u soo jiray” sidaasi waxaa sheegtay XogahayeClintonkaddib markii wadahadalo ay la qaadatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Hillary Clinton ayaa intaasi ku dartay in ay tahay markii ugu horeysay ee uu Maraykanku Aqoonsi u fidinayo dowladd Soomaaliyeed tan iyo 1991kii markaasi oo ay burburtay dowladdii Milatariga aheyd oo uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare.
Dallka Soomaaliya ayaa dhawrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa ka jiray dowladda KMG ahaa waxaana dowladahaasi intabadan ku yaraa galaan galka siyaasada dibadda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayay suurta gal tahay mar hadii Aqoosigaan uu helay in uu Aqalka cad tago islamarkaana uu kula kulmo dhigiisa Obama.