Maradona oo Shaqadii Laga Xayuubiyey Maxaase Lagu Suusey
Dubai-Wed-July-11-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku jibaaxeynaa tababarihii naadiga Al Wasal ee Imaaradka Carabta Maradona oo shaqadiisii laga xayuubiyey.
Maradona oo 51-jir ah ayaa kooxdan reer imaraadka ah ee Al Wasl u saxeexay 2-sanno inuu tababaro sanadkii aynu soo dhafney oo ku beegneyd May 11-dii,haddaba S’aashu waxay tahay isaga oo ay hal sanno u harsantahay maxaa hilfaha loogu qaadey?
Maradona oo kooxdan hal sanno faraha kula jirey ayaa waxay ku walbahaarsatey ama la kulantey guuldarooyin farabadan kana gashey horyaalkii hadda dhamaadey ee 2012-ka kaalinta 8-aad,kuna tartamayeen 12-ban kooxood.
Akyaartay khaarinjintiisa waxaa sababey maamulkii naadiga Al Wasl oo uu la war5eegey maamul cusub waxaana laga daba khaarijiyey ku xigeenkiisii iyo wixii kale ee la shaqeynayey.
Saaxiibayaal laacibkan oo sumacad ku lahaa aduunka laguna qaddariyo 1986-dii markii uu ku guuleystey koobkii kubadda cagta ee aduunka ayaa nasiib daro waxay ka haysataa tababarnimadiisa,waxaynu xasuusanaa koobkii kubadda cagta ee aduunka lagu qabteyna South Africa ee Jarmaku uga badiyey 4-0,maantana kontaraadkiisii oo hal sanno uga harsan ayuu daaqadda ka baxay guuldarooyin badan awgeed.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com