|

MAR IDAGE ALLE HA DAGO, LABO IDAGA’SE ANAA ISDAGAY(abdirahiim Mohamed. (ina-dhago-dheere)

Hirdanka iyo loolanka siyaasadeed ee ka dhex abuurma qarankeena Somaliland marwalbooy doorashu soo dhawaato hanoqoto mid loogu tartamayo golaha degaanka,barlamaanka, iyo mida hada taagan ee madaxtooyadaba.

Waxay siyaasiinta reer Somaliland awrkooda ma gudbahaa ku kicistaan dhalinta reer Somaliland lab iyo dhedigba oo ah cududa iyo xooga qarankan wax u bartay. Waxay siyaasiinta reer Somaliland ku beer laxawsadaan kuna maqaar salaxaan in a shaqa’abuur u samaynayaan kana qayb galinayaan saamiga xilalka qaranka haday  ku guulaystaan doorashada. Taasna waxay dhalinta reer Somaliland ku abuurtaa yididiilo laab-lakaca sacabka iyo durbaankana ku tumaan caadifad islamarkaana codkooda dahabigaa ku khasariyaan balan qaad beena oo siyaaasi dan lahi watay.

Somalidaa ku maah maahda ADHI DAASAD KAMA ILBAXO hada’se ilbax kamana dido birtii. Xayawaankii aan caqliga lahayn ayaa gartay in birtuu birtii tahay kamana didaan hada.

Hadaba hadaynu nahay dhalinta reer Somaliland maxaa inooga damaanada siyaasaga dantiisu tahay kursi iyo xil raadiska?

Bari kamaalin marka wuu xilka qaranka qabtana waxaynu ku tawaawacnaa in madaxwaynuhu waxba qaban isla markaana ka cabanaa shaqola’aan,eex,musuq-maasuq,cadaalad la’aan, iyo maamul xumo.

MAR IDAGE ALLE HA DAGO,LABO I DAGA SE ANAA IS DAGAY!

Maxaa inoo damaanada si ayna taasi u dhicin.

 

W/Q: abdirahiim Mohamed elmi(ina-dhago dheere)

MM: mar idage alla ha dago,labo idagase anaa is dagay.

EMAIL: hirsi1994@gmail.com

FACEBOOK: ibnu Mohamed suldaan guleed

Maalin qoraalkii maalmihii miyigii iyo mustawaqo raadiska.

Comments are closed