Maqaal: Mingiste Yaanu Cayda UCID Iyo Titelkeeddii UCID isku darsan
Ninka La yidhaa Cabdi Suleiman MINGISTE oo berigii hore ay jiidhay jibadda xisbigii dumay ee UDUB, ayaa ahaa qolooyinkii markii danbe haddana u jibooday dhinacaa iyo UCID. UCID waabay sharaftay oo waxay u magacoowday Xoghayha Arrimaha Gudaha inkastoo dad badani ay rumeysan yihiin inay UCID titlekaasi kula qaldantay oo kula dul kuftay, maadaama aanu wax mansab ahba u haynin xisbiggii UDUB oo aan ka hayn Cayda KULMIYE. Mingiste iyo xulufadiisii haddaba waxa la sheegay inay balan qaad ay xukuumadda ka heleen awgeed ay dooneenen inay xisbiggii UCID ay carqaladeeyaan oo ay kolba aflagaadooyin ay saxaafadda la soo istaagaan. Iyagoo imika isku tirinaaya Kulmiye, laakiin aad moodid inuu Kulmiye iska ilaalinaayo qaladkii UCID oo aanay rabin in nimankani ay xisbiga ku soo biiraan oo ay doonayeen uun inay ka soo saareen baradoodii.
Haddaba waxa la yaab noqotay bal muxuu u adeegsanayaa Titlekooda haddiiba aanu afkiisa kala xishooneynin, ileyn iyagaaba siiyey Titleka ugu sareeya ee uu siyaasadda ka gaadhaye?, haddii uu title ka sareeya haysto beri hore ayuuba isticmaali lahaa. Waxaan is weydiiyey tolow Mingiste ma leeyahay Title kale oo siyaasadeed oo aan ahayn kani ay UCID u magacowday? jawaabtu waa maya. Haddaba waxaan is idhi oo haddaba bal muxuu u caayayaa qoladda dhan ee titelkaasi siisay u caayayaa; haddaba ha caayee bal muxuu titelkooddii u isticmaalayaa? markaasaan idhi waar tollow colaadda iyo xumaanta nimankani ku jirtaa faro badanaa ileyn xisbiyadda waa layskaga tagaa ee lama sii xag-xagtee. Markaasaan anigu isu jawaabayoo idhi; “ninka damiirkiisu siinaayo Kulmiyihii aad shalay wax walba ku tidhi u magan-gal oo is dheh way ku aaminayaa, waa nacasnimaddii adduunka ugu weynayd. Markaasaan haddana isu jawaaboo is idhi waar waa qolooyinkii kolba xisbi u wareegidiisa shaqadda ka dhigan jiray malaha. Tallo fadlan Mingistoow ama UCID titelkeedii isla tuur oo u daa, ama fadlan isticmaal laakiin ha caayin oo xaqa eeg bal hadaad in uun siyaasi tahay.
Cali Karbaash
Hargeysa, Somaliland