|

“Mana jirin wax la xidhiidha siyaasada Somalia oo Somaliland kala xaajootay Kay, sida nidaamka Federaaliga ah ee Somalia” Wasaaradda Arrimaha Dibada oo Tilmaan ka bixisay arrimihii ay kala hadleen Danjire Key

Hargaysa 24.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa maanta Qoraal ay soo saartay Waxay ku faahfaahisay Socdaalkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia uu ku Yimi Caasimada Hargaysa,Waxaanay Cadaysay inaanay ka wada hadlin amuuraha la xidhiidha Siyaasada Somalia.

CaptureWarsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay u qaybsanaha Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Xidhiidhka Dadweynaha iyo isgaadhsiinta Md Siciid Cali Muuse ayaa u dhignaa Sidan:-

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa, Nicholas Kay,ayaa booqasho lagu martiqaaday ku yimi Somaliland todobaadkii la soo dhaafay, casuumadaasoo uu  u fidiyey Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Mudane Maxamed Biixii Yoonis.  Sababta martiqaadka ayaa ku salaysanyd in bog cusub loo furo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Jamciyada Quruumaha ka dhexysa(UN).

Somaliland waxay Wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa  kala hadashay arrimaha horumarinta, baniaadamnimada iyo qodobo kale, mana jirin wax la xidhiidha siyaasada Somalia oo Somaliland kala xaajootay Kay, sida niidaamka Federaaliga ah ee Somalia,Taas oo aan ahayn arrinta u taala Jamhuuriyada Somaliland.  Waxay kaloo Wasaarada Arrimaha Debedda ee  Somaliland cadaynaysaa , in aan Nicholas Kay laga hadlay, haba yaraatee, in hayadiisu xafiis ka furanayso Somaliland.

Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray Labada geedoodba waxay ku niyadsan yihiin in booqashadaasi furi doonto  socdaalo kale oo ay Nicholas Kay iyo asxaabtiisa UN ku yimaadaan Somaliland.  Intii uu Hargeisa joogay, KIay, wuxuu la kulmay Wasiiro xukuumada ka tirsan, wakiilada Baarlamaanka, Bulshada Rayidka ah, dad ka socda Gobolada Bari iyo xubno axsaabta mucaaradka ka tirsan.

Warsaxaafadeedku Wuxuu Gebo gabadii Yidhi Nicholas Kay, wuxuu xukuumada Somaliland u xaqiijiyey in xafiiskiisu uu si buuxda   ugala shaqaynaayo Somaliland  xaga nabada iyo horumarinta, iyadoo diirada la saaraaayo  qodobada horumarinta iyo amaanka.  Nicholas Kay iyo wefdigiisii waxa warbixino kooban laga siiyey meelaha ay Somaliland wax-qabadka uga baahan tahay iyo in la carifo lana tilmaamo horumarka weyn ee muuqda oo ay Somaliland meelo badan ka gaadhay, taas oo ay ka mid tahay nabada iyo amaanka.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed