Man-hajka Waxbarashada Somaliland oo mar kale la dhaliilay
Man-hajka Waxbarashada Somaliland ayaa la dhaliilay qaabka loo diyaariyay, xilli Wasaaradda Waxbarashadu dhawaan sheegtay in dib u habayn lagu samaynayo.
Dhaliilaha loo jeedinayo Manhajka ayaa waxa ka mid ah, qaabka loo diyaariyay sida ay diirada u saarayso aqoonta Maxaliga ah ee dalka iyo waddaniyada , waxaanay Khubarada Waxbarashada dalku ku tilmaameen inaanu wax saameyn ah ku yeelanayn muwaadiniinta dalka u dhashay ee lagu barbaarinayo.
Sidoo kale waxyaabaha kale ee lagu dhaliilayo waxa ka mid ah inaan si dheeli tiran loogu qorin Taariikhda Gobollada dalka iyo dadka ku nool toona, si isku mid ahna aanay uga dhex muuqan caaddo dhaqameedyada iyo sooyaalka taariikheed ee dadku.
“Manhajku waa inuu saameeyaa dadka aqoonta la barayo oo uu wax ka bedelaa fikirka ay aaminsanyihiin. Waa inuu noqdaa wax qaabeeya dhismaha qofka, laakiinse hadii uu wax saameyn ah ku yeelan waayo dadka Manhaj in afka lagaga sheego mooyaane, wax micno ah ma samaynayo”sidaasi waxa yidhi Khadar Cabdi Ibraahim oo ku takhasusay diyaarinta Manaahiijta, muddo dheerna la soo shaqaynayay wasaaradda Waxbarashada Somaliland.
“Man-hajku waxa uu ka kooban yahay oo lagu saleeyaa siddeed qodob, afar qodob ayaa ugu muhiimsan oo kala ah, marka manhajka waxa la yidhaahdo hadii laysku soo uruuriyo waxa weeyaan waxa qaabeeya qofka marka la doonayo in wax la baro”ayuu hadalkiisa raaciyay khaddar oo sii tilmaamay “ Manhajku maaha wax meel uu taagan ee wuu isbed-bedelaa oo marba xaalada waddankaas ka taagan waa in lagu soo daraa. “ tusaale ahaan waa in waxa dalka ku soo kordha lagu kordhiyaa”.
Mr. Khadar oo aqoon jaamacaddeed oo ilaa Master degree ah ka bartay Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama ayaa Gobanimonews u sheegay “ Manhajkan waxbarashada ee Somaliland waxa kale oo aad moodaa inuu dhinac ka raranyahay oo aanay taariikhaha Bulshooyinka Somaliland ee Goboladu si siman uga wada dhex muuqa. Waxaanad moodaa in gobollo gaar ah lagu bal-balaadhiyay”ayuu yidhi.
Khabiirkan bahda waxbarashada Somaliland ka tirsan ayaa intaasi raaciyay “in badan dalalka soo koraya Hay’addo ajaanib ah ayaa ka caawiya Diyaarinta Manaahiidta,anigu taa ayaan daro ayaan u arkaa in waxyaabaha noocaas ah ee muhiimka ah cid kale loo daba fadhiisto”.
Khadar ayaa farta ku fiiqay in Manhajka Waxbarashada Somaliland la mid yahay kuwa loo diyaariyay Gobollada Soomaaliya sida Muqdisho iyo Garoowe “ Manhajka waxbarashada Somaliland anigu waxaan aaminsanhay inaanu waxba kaga duwanayn kan Soomaaliya iyo Puntland.
Waayo? Runtii hadaad eegto Casharada ama meelaha Magaalooyinka lagu qoro, magaca ayuunbay ku kala duwanyihiin, laakiinse wax kale oo la odhan karo way ku kala duwanyihiin ma jirto “ halka Muqdisho ku qorantahay ayuunbaa Hargeya lagu qoraa, wax kale kuma kala duwana. Waa laga yaabaa in meelaha qaar farqi aan weynayni u dhexeeyo “ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu dhaliilay Xafiiska Manaahiijta Somaliland oo uu ku tilmaamay meel hal qof ku kooban, balse sidii la rabay aan u dhisnayn “ Somaliland ma jirto xarun Manaahiijeed oo hawsha loo baahanyahay qaban karta, markaa waxaan soo jeedin lahaa in xaruntaas la balaadhiyo. Waxa kale oo aan soo jeedin lahaa in dadka aqoonta u leh diyaarinta Manhajka la shaqaaleysiiyo, maxaa yeellay? Annaga Fasalkayagii 9 qof ayaanu Jaamacadda ku baranay qof qudha oo la shaqaalaysiiyay ma jiro”.
“Waxa kale oo aan soo jeedin lahaa in Cilmiga Civic-ga loo yaqaano Manhajka lagu soo kordhiyo oo dadka la baro waddaniyada. Ardayga waa in lagu tarbiyadeeyaa waxa uu dalkiisu xaqa ugu leeyahay iyo waxa uu isagu xaqa u leeyahay “ayuu dooddiisa raaciyay.
Doodda Wasaaradda Waxbarashada
Doodda ku saabsan Manhajka Waxbarashada Somaliland ayaa soo noqnoqotay sanadkan dhowr jeer, iyadoo bishii Jully dabayaaqaddeed muddo laba todoabad laga joogo Warbaahinta qaar soo hadal qaadeen in Manhajka Waxbarashada ee Soomaaliya ay isku mid yihiin.
Dhaliilsha noocaasa ayaa timi,iyadoo Bishii May Magaalada hargeysa lagu qabtay kulan balaadhan oo lagu dersay qaabka loo diyaarinayo Manhajka dalka, shirkaasoo ay qabashadiisa iska kaashadeen hay’addaha EAT, Wasaaradda Waxbarashada iyo Ururrada kale ee wada shaqaynta la leh wasaaraddu.
Agaasimaha Tacliinta Sare Abiib Axmed Cali oo kulankaasi kaga hadlay faa’iidada ay leedahay waxbarashadu iyo muhiimada Man-hajka ayaa sheegay. “Muhiimada ugu wayni waxa weeyaan, waxa aynu eegaynaa mustaqbalka iyo Aayaha ubadkeena, waxan aynu ka hadlaynaa mustaqbalka umada, waxaana aynu is waydiinaynaa ma ku haboon yahay ubadkeena man-hajka ay dhiganayaan, mise ma yahay kii ku haboonaa ee saxda ahaa qarniga 21tanaad, Habka aynu caruurteena wax ubarnaa ma yahay habkii saxda ahaa oo umada sideeno oo kale ah ee dagaalo badan soo gashay oo wakhti badani ka soo lumay horumar dag-dag ah gaadhsiinaysa”.
Isaga oo hadalkiisa sii watan wax auu yidhi. ”Man-hajka aynu caruurteena barnaa ma yahay kii somaliland mise waa kii somaliya, ubadkeena marka ay waxbarashada galayaan ma ku kaantaroolnaa,waxaad arkaysaan qaar da’doodu yaryar yihiin oo hadana dugsi sare dhiganaya, waxa loo baahan yahay kulankan aynu maanta iskugu nimid in aynu kasoo saarno waxa aynu ubadkeena waxbarashada dhiganayaa aynu ku hagno,waxa kale oo aynu doonaynaa in aynu is waydiino markii ilmuhu yahay 5jir maxaynu ka doonaynaa inuu waxa yaqaano, waxa aynu doonaynaa wadamada Aadka ugu horumaray waxbarashada siday ku gaadheen in aynu ka soo saarno kulankan maanta”Ayuu yidhi.
Agaasimaha Waaxda Manaahiijta ee Wasaaradda Cabdilaahi Yaasiin, isna kulankaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay Tariikhda Kala Duwan ee uu soo maray Man-Hajka Somaliland Iyo Ujeedad Laga Leeyahay Kulankan Lagu Gorfaynayo Sidii Dalka Loogu samayn lahaa dhabo ay Marto Waxbarashadu “Man-Hajka waxbarashada somaliland waxa uu soo bilawday ka dib dagaaladii badnaa ee dalka somaliland lagu xoreeyay, Man-Hajka waxbarashada somaliland ee ilaa maanta soconayay ee 17 jirsaday Ragii barigaas wax ka dajiyay qaarkood ayaa halkan maanta iiga muuqda, waxaana muhiim ah mar hadii wakhti dheer uu soo socday Man-Hajka waxbarashada somaliland,shacabku waxa ay tabayaan wanaagiisa iyo dhaliilihiisa, mar hadii man-Hajkii waxbarashada somaliland wakhtigaas oo dhan soo taxnaa waxa uu maanta u baahanyahay in dib u eegsi lagu sameeyo, lana waafajiyo wakhtiga aynu maanta joogno”
Agaasimaha Waaxda Manaahijta Cabdilaahi Yaasiin oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Manaahijta somaliland waxa ay ubaahan tahay in loo helo xayn daab lagu fadhiisiyo is badalka aynu rabno in aynu ku samayno manaahijteena waxbarasho ee mustaqbalka dhawba iyo kan fogba, wasaaradeena waxbarashaduna waxa ay diyaar u tahay sidii ay arintaas u fulin lahayd, taas oo keentay ka hor intaan la qaban shirkan in loo baxo gobolada dalka oo idil sidii cilmi baadhsi loogu soo samay lahaa”.
Man-haj 17 jirsaday
Man-hajka waxbarashada Somaliland oo marka kii hore ee waxbarashada lagu saleeyay 20-kii sano ee hor la eego 17 sano jirsaday, ayaa haatan u muuqda mid aan wali meel salka loo saarin, isla markaana si weyn loogu kala aragti duwanyahay.
Iyadoo dhinacyada ku wada jira xayndaabka Tacliintu aragtiyo kala duwan iyo dareeno isdiidaya ka bixinayaan sida xaalkiisu yahay.