|

Maleeshiyooyin ka tirsan Labada Beelood ee Dirirtu ku dhex martay Deegaanka Oog oo Xalay Goob cidlla ah iska Helay iyo Ciidanka Ammaanka oo Tallaabo Adag ka qaaday

Oog:25-Aug-2013-(SDN)-Laba maleeshiyo Beeleed oo ka  soo jeeda Beelihii dhawaan dirirtu ku dhex martay Deegaanka Oog ee Gobolka Sanaag, ayaa habeenkii xalay is rasaasayn toos ahi ku dhex martay Aaggaas.

maleeshiyoIsrasaasayntaas oo in muddo ah socotay, ayaan la soo sheegin  cid wax ku noqotay, waxana isla markii arrintani dhacdayba weerarro xooggan qaaday ciidanka amaanka iyo kuwa qaranka eek u sugan deegaankaas, kuwaas oo iyaga qudhoodu maleeshiyadu rasaas Oodda kaga qaadeen.

 

Ciidanka ayaa ku guuaystay inay gacanta ku soo dhigaan maleeshiyooyin badan oo labada dhinac ah oo ku talo jirey inay dagaalamaan, iyagoo intii ay qabteen hubkii ka qaaday, dhammaantoodna wada xidhxidhay.

Tallaabadan Ciidanku ka qaaday maleeshiyo-beeleedyadan, ayaa loo arkaa mid ku haboon in la qaado, maadaama ay haatan socoto waan-waan aan cago adag ku taagnayn oo labada dhinac laga dhex wado, iyadoo ciidanku heegan ugu jiraan inay gacan bir ah ku qabtaan cidkasta oo isku dayda inay carqaladayso hannaanka nabadeed ee la wado.

 

Waa markii ugu horraysay ee ay maleeshiyadu qaadaan tallaabo  ay weerarro ku qaadayaan tan iyo markii ay ciidanku ku gaadheen goobaha isku dhacu ka yimi, waxana haatan  weerarkan xalay dhacay ka hor ay arrintu maraysay meel horumar leh inkastoo ay ku socoto hab gaabis ah.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed