|

Malaysiya oo Ardayda Somaliyeed ay Ku soo adkaatay inay Waxbarasho u doontaan,Maxayse Tahay Sababtu

Kuala Lam bur 01.April 2014 (SDN)- Malaysia waxa ay ka mid tahay Wadamada tirada yar ee Somalidu wax barasho ka hesho , Wadankan Malaysia oo ardeydu aanay ku soo gali jirin wax Visa ah ama Dal ku gal ah oo Air Port ka laga siin jirey Social visa dal ku gal hal bil ah ayaa hadda ka muquurtey arinkaas.

Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee wadanka Malaysia iyo Immigration-ka wadankaasi ayaa si wada jir ah u soo saarey baaq ay Ardeydii wadanka Social visaha ku soo gali jirtey joojinayaan, una samaynayaan calling visa Safaaradaha wadanka Malaysia laga soo qaadan doono.
Arrintan ayaa dhib iyo dhabar jab ku noqotey Ardaydii Somaliyed ee waxbarashada u iman jirey wadankan, taas oo aanay suuro gal ahayn inay visa ka doontaan Safaaradaha wadankaasi ku leeyahay YEMEN IYO KENYA oo ah safaaradaha ugu dhaw Somalia.
Illaa hadda Dawladda Somalia Ayaan wax jawaab ah looga hayn iyada oo ardeyda 2aad ee wadankan ugu badani tahay Somalida.
Sannadkan ayaa jamacado badani ka aqbaleen dalabyo uga yimid ardey waxbarasho doon ah hasayeeshee waxaa suuro gal noqon wayday kana dhaadhici wayday Nairobi ama Cadan visa ka doonta kuwaas oo u sii baahan dal ku gal labaad.
Dhanica kale Wadanka Malaysia ayaa ogolaa in lagu soo galo wadankan Passport-ka Somaliland taas oo Iyana la joojiyey oon la ogolayn Hadda in lagu soo galo dal ku gal waxbaroshana laguugu dhufan Karin.
Si kastaba ha ahaatee Ardeyda Somaliyeed ee wadankan Iman doonta ayaa hoos u dhici doonta, halka xidhiidhka dawlddaha Malaysia iyo Somalia aanu sidii hore u fiicneyn.

Qurbejoog.com

Comments are closed