|

Malaayiin Reer Brazil ah Oo Iskugu Soo Baxay Mudaharaad ka Dhan Madaxweynahooda

Soa Polo:Mar,16,2016(SDN/QJ)-Shacabweynaha reer Brazil intooda badan, ayaa iskugu soo baxay Mudaharaaddo ballaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Madaxweynaha Dalka Dilma Rossef oo ay siyaasadeedda dhaliilsan yihiin.

joog Dadka banaanbaxa dhigaayay, ayaa ku dhawaaqayay inay xilka ka degto Dilma Rousseff, oo ay ku eedeeyeen musuq la xidhiidha shirkada Shidaalka ee Dowladda ay maamusho oo lagu eedaynayo inay  musuqmaasu ka dhexjirto.

Dibad baxa ugu wayn waxa uu ka dhacay magaalada Sao Paulo, halkaas oo ah magaalo ay mucaaradku ku xoog badan yihiin, iyada oo ay mudaaharaadka ka qaybqateen boqolaal kun oo dad ah.

Dawllada Braziloo arrintaas ka jawaabaysa waxa ay sheegtay in ay qaadayso talaabooyin ay ku xadidayso musuqa iyo isla xisaabtan la’aanta.

 

Wasiirka caddaalada Jose Eduardo Cardozo, waxa uu sheegay in dibadbaxu uu xaqiijinayo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dabiiciga ah ee xukuumadda Brazil.

Waxa ay muujinayaan dadka inaysan dooneyn musuq iyo wax isdaba marin, balse ay doonayaan  in Dowladda si cadaalad ah u maamusho Shirkada Shidaalka ee dalka Brazil.

 

Booliiska ayaanan isku dayin inay xakameeyeen Banaanbaxa, maadaama dadkii dhigaayay Banaanbaxa ay ahaayeen kuwa aad u fara badan.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed