Malaayiin Dollar Oo Shirkadda Google Koox Budhcad ahi Ka Dhacday
Washington:Sepm13,2014(SDN/QJ)-Budhcad aan wali si rasmi ah loo aqoonsan ayaa la sheegay inay Malaayiin dollar ka dhacday Shirkadda Google oo ka mid ah Shirkadaha hantida Badan macaasha.
Afhayeen u hadlay Shirkadda oo lagu Magacaabo Caroline Mathews ayaa Shaaca ka qaaday in Burcad Jabsada Bankiyada iyo Shirkadaha Waaweyn ay Jabsadeen Akoonka Shirkadaasi.
Caroline Mathews ayaa sheegay in Kooxdaasi Haykariska ah ay u dhasheen Dalka Ruushka,waxaana ay Shirkada ka qaateen Lacag dhan 5-Milan oo Dolarka Mareykanka ah.
Afhayeenka ayaa sheegay in Koodxaas Budhcadaa ay heleen Qeyb ka mid ah Usarada iyo Baasuweedhada Shirkada,iyadoona loo Maleynayo in Qaar kamid ah Shaqaalaha Shirkada ay u Fududeeyeen Falkaasi budhcadnimo.
Shirkadda Google oo dhinaca isgaadhsiinta ka ganacata, ayaa daqiiqad kasta hesha malaayiin lacag ah, waxana ay ka mid tahay Shirkadaha dunida ee Lacagta Badan Haysta.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com