|

Maktabadda Wareegta iyo maalintii Degmada Sheekh

Sheekh, 04, July 2012 (Qurbejoog)- Maktabada Wareegta iyo Bugaagta Geeddiga ah ayaa safarkoodii xidhiidhka ahaa ee maalmihii u dambeeyay ay ku soo mareen magaalooyinka Boorama iyo Gabiley waxay maanta ku gaadheen Degmada Sheekh oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaana ku qaabilay deegaankaas Naadiga Akhriska ee Degmada Sheekh.

Safarkan Geeddiga Bugaagta oo safarkan uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxa munaasibad loogu qabtay hoolka xarunta degmada Sheekh, iyadoo maamulka degmadu uu kala qaybagalay munaasibadaas, waxa lagu soo bandhigay Maktabadda Wareegta iyo bugaag qiimo oo ay halkaas kula kulmeen ardayda wax ka barata dugsiyada muga wayn ee SOS iyo dugsiga Xanaannada Xoolaha ee degmadaas.

Ugu horeyn waxa munaasibadaas ka hadlay qoraaga caanka ah ee Jaamac Muuse Jaamac oo hormood u ah bahda Maktabadda Wareegta, waxaanu iftiimiyay in degmada Sheekh ay tahay hoygii aqoonta, isagoo ku hambalyeeyay maamulka degmada hirgelinta xarun wax-akhris oo ay ka sameeyeen isla xarunta degmadaas, waxaanu sheegay in Bugaagtan Geeddiga ahi ay u baahan yihiin meel ay degaan oo ay ku nagaadaan.

Guddoomiyaha Degmada Sheekh ayaa isaguna ka warramay muhimada ay kobcinta aqoonta u leedahay wax akhriska iyo qoristu, waxaanu maamul ahaan sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u dhiirigelin lahaayeen dhalinyarada, isla markaana ay halgan uga gali lahaayeen cidhibtirka balwada qaadka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo isagu marti gaar ah ku ahaa munaasibadaas ayaa tilmaamay in joogintaankiisu uu ka turjumayo doorka Xukuumaddu ay ku leedahay dhiirigelinta aqoonta da’yarta, isla markaana waxa uu kula dardaarmay dhalinyaradii madashan bandhiga Geeddiga Bugaagta ka qaybgashay inay ku dedaalaan wax akhriska, isagoo xusay in arrintaasi ay ka taageeri doonto inay waayo-aragnimo ku filan, iyaga oo aan melena uga deegaankooda.

Sidoo kale, waxa iyaguna madashaas ka hadlay maamulka Naadiga Akhriska ee Degmada Sheekh, iyagoo ku ammaanay maamulka degmadooda fullinta ballantii sannadkii hore ee  la xidhiidhay hirtgelinta xarun wax akhris, isla markaana waxay farriin u direen bahda Maktabada Wareegta oo ay ka codsadeen in doorkii ay ka sugayaan.

Dhinaca kale, waxay xubnaha hogaaminaya Maktabaddan Wareegta ay booqdeen Dugsiga Sare ee SOS, kaasoo ka mid ah Dugsiyada tirade yare e dalka ku yaalla ee ay ardaydu ku neg yihiin, waxaan ku soo dhaweeyay maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsigaas, waxaanay kormeer sameeyeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban dugsigaasi.

Ugu dambayntii weftigan Bugaagta Geeddi ahi waxay u baqooleen dhinaca magaalada Burco oo la filayo in maalinta bari ay ku soo bandhigeen bandhiga Maktabadda Wareegta.

Qurbejoog, Sheekh

Comments are closed