Majaajilayste Faransiis ah Oo Loo Xidhay Taageero Oo u Muujiyey Weerarkii Paris Ka Dhacay
Paris:Feb,19,2015(SDN/QJ)-Majaajilaystaha u dhashay waddanka Faransiiska ee Dieudonne M’bala M’bala, ayaa lagu xidhay dalkaasi Faransiiska, kadib markii la sheegay inuu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Farriin uu taageero ugu muujiyey weerarkii dhawaan lagu qaaday Goobtii lagu soo saari jirey Wargeyskii Nebi Muxamed N.N.K.H. ahaatee Aflegadeeyey.
Weerarkaasi waxaa ku dhintay shan qof oo uu ka mid yahay ninkii weerarka fuliyay.
Ninka weerarka fuliyay ayaa sidoo kale maalin ka hor weerarka toogasho ku dilay haweeney boolis ahayd, waxaana la rumeysan yahay in uu xidhiidh la lahaa labadii nin ee walaalaha ahaa ee fuliyay weerarkii lagu qaaday wargeyska Charlie Hebdo.
Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa furay kiis ka dhan ah majaajileystaha, oo ay ku eedeeyeen in uu “u naxay argagaxiso”.
Dieudonne ayaa hore loogu eedeeyay Yuhuud naceyb. Waxaa sanadkii 2013-kii uu caan ku noqday salaantii Naziga ee quenelle.
Salaantaasi ayaa waxaa muujiyay ciyaaryahan Nicolas Anelka, kaddib markii uu gool u dhaliyay kooxda Inigiirska ka dhisan ee West Bromwich Albion, waxaana taasi ay dhalisay in la ganaaxo.
SDN/QJ