|

Majaajilaystayaasha Jawaan Iyo Sooraan Oo Laga Joojiyey Shaqadii ay HCtv Ka Hayeen Iyo Sababaha Keenay

Hargeysa:March,02,2015(SDN/QJ)-Majaajilaystayaasha Caanka ah ee Sooraan iyo Jawaan, ayaa laga joojiyey Gebi ahaanba shaqadii ay ka hayeen TV-ga  HCtv, kadib markii lagu eedeeyey inay Gudan Waayeen Waajibaadkoodii shaqo, sida ku cad warqad shaqo-ka-fadhiisin ah oo Warbaahinta qaarkood soo gaadhay.

maajShaqo-ka-joojintan oo sida la sheegay kasoo baxday Maamulka Sare ee TV-ga HCtv, ayaa lagu sababeeyey in Majaajilaystayaashina gabeen shaqadii ay hayeen, isla-markaana dhegaha ka furaysteen Digniino tiro badan oo lagaga dalbaday inay ku waajahaan Waajibaadkooda shaqo.

Nuxurka Waraaqda Xil-ka-qaadista Majaajilaystayaashan kusoo shaac Baxay HCtv, ayaa u dhignayd sidatan:

“Horn Cable TV waxa uu idinka Mahad celinayaa Muddadii aynu wada shaqaynay, anagoo idiin hayna Tixgalin iyo Sharaf wanaagsan, waxa muuqatay in hawshii aad hayseen Tv-ga  ay hoos u dhac balaadhan ku yimid taasi oo ka timid in Shaqadii la idiin xilsaaray aad ka gaabiseen, muddo dheerna aanay sidii loo baahna u socon wayday.

Waxa xusid in mararka laduwan Mamulka sareee TV-gu idin kala Xajooday inaad shaqada wax ka badashaan, wakhti wanaagsan oo aad wax ku badeshana la idinsiiyay, nasiibdarose ay xagiina ka suurto gali  wayday, sidaad ka warqabtaana dhamaan tiraba saddex heshiis oo Xafiiska aad la gasheena aad kasoo bixiwaydeen, shaqaalihii iyo dadkii aad wadashaqaynayseena cabasho kala duwan ka keeneen wadashaqayntiina iyo hoos u dhaca ku yimid wax soo-saarkii shaqada, sidaasi awgeed waxa uu Horn Cable TV idinku wargalinayaa in wixii maanta ka danbeeya inaad u madaxbanaan tihiin hawlihiina, gaarka ah ee aad kaga mashquusheen isla markaana aydaan wax shaqo ah u haynin. Waxaananu  idiinka mahad naqaynaa muddadii aynu soo wada-shaqaynay”.

Dhinaca kale labadan majaajilayste oo iyagu ku caan-baxay barnaamijyada kala duwan ee lagu  baahn jiray telefishanka HCTV ayaa iyagu tan xiligii ay kasoo laabteen safarkii ay dhawaan ku tageen dalka Ingiriiska ku mashquulsanaa hawlo u gaar ah oo ay kaga mashquuleen shaqadii ay Tv-gaasi u hayaan, taasina ay sababtay in gabi-ahaanba laga joojiyo shaqadii ay ka hayeen Telefishankaasi.

Xigasho Haatuuf

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed