|

Mahiga:Qas wadeyaasha Siyaasada Soomaaliya loo Dulqaadan Maayo

New York May 17,2012(SDN)-Ergeyga Gaadhka ah ee QM uqaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa hadal uu ka jeediyay Gollaha Amaanka ee QM waxa uu uga waramay xaaldahii u danbeeyay ee Soomaaliya.

“Waxa iminka la soo hooyay guulo la taaban karo,laakiin lama ogolaan karo in Qaswadeyaal ay khalkhal geliyaan hanaanka nabada.

Qaramada Midoobey,Midawga Africa iyo IGAD ayaa ku iyagana ku celiyay digniin ay u jeediyeen kooxo ay sheegeen in ay maleegayaan shir qoolo lagu mijaxaabinayo hanaanka nabadda Soomaaliya.

Ururadaa ayaa sheegay in ay cunaqabteyn doonaan ruuxii ay ku cadaato in uu ku lug leeyahay carqaladeynta nabada Soomaaliya.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed